Adis ababa:-Itoobiya ayaa ka dalbatay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO in ay baarto hab-dhaqanka madaxa hay’adaas oo ay ku eedaysay in aanu ku dhaqmayn “xirfadda iyo daacadnimada qofka xilkaa haya laga filayo”.
Eeddan ayaa soo baxday ka dib markii uu dhawaan Dr. Tedros Adhanom jeediyay hadal ahaa in duruuf cadaabtii ifka ah ka jirto gobolka dagaalku ka socdo ee Tigray.
Horraantii sanadkii 2021-ka, maamulka Itoobiya ayaa sheegay in Tedros uu isku dayey inuu u fidiyo taageero dhanka siyaasadda iyo hubkaba ah jabhadda TPLF, dhaq dhaqaaqaas oo qeyb ka ahaa isbaheysiga talada haya markii uu wasiirka ahaa, balse kolkii danbe ay xukuumadda hadda jirta ku dartey liiska kooxaha argagaxisada.
Kooxda TPLF ayaa illaa bishii November ee sanadkii 2020 dagaal kula jirtey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka isbaheysiga ah ee gobolka Amxaarada
Arabsiyonews.com









