Hargeysa (Arabsiyonews) – Micheal Rubin oo ah khabiir Maraykan ah oo ka faallooda arrimaha Dalalka Afrika Somaliland ka mid tahay, ayaa maqaal dheer oo uu ku qoray Wakaaladda Wararka ee Reuters wuxuu ku soo bandhigay sababaha keenay inay soo xoogaysato qorsheyaasha uu Maraykanku ka leeyahay Somaliland.

Rubin wuxuu ka warramay in Maraykanka oo Saldhig Ciidan ku leh Jabuuti ay jiraan culaysyo kaga imanaya dalalka kale ee Saldhigyada ku leh, gaar ahaan Shiinaha oo uu sheegay inuu si aan toos ahayn xilligan u maamulo Jabuuti, maaddaama oo Jabuuti ku dhacday daminnada Shiinaha ee ah ‘Deyn uu hab diblumaasiyadeed ku siiyey Jabuuti’, taasi oo la macno ah inuu Jabuuti inta badan leeyahay Shiinuhu, taasi oo horseeddaysa inuu si fudud Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay Dawladda Shiinuhu telefoon ugaga soo amarto inuu joojiyo hawl-gallada Saldhigga Maraykanka ee Jabuuti.

Michael Rubin wuxuu tilmaamay in caqabadaha haysta Saldhigga Maraykanka ee Jabuuti ay ka mid tahay in Ciidammada Cirka ay Ciidammada Shiinaha ee Jabuuti deggani ku weerarraan Hubka Laysar-ka, taasina ka mid tahay waxyaabaha ka midka inuu Maraykanku kordhiyo xiisihiisa dhinaca Somaliland.

“Sannado diblumaasiyad dabin ah oo deyn ah ayaa ka dhigan in Shiinuhu inta badan leeyahay Jabuuti.” Ayuu yidhi Micheal Rubin, waxaanu intaa ku daray “Beijing waxay Telefoon si fudud ugaga qasbi kartaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu yareeyo hawlgallada Mareykanka, haddii ayna gabi ahaanba ka saarin joogitaanka Mareykanka”

Rubin wuxuu ka warramay waxyaabo khatar ah oo Ciidammada Maraykanka ka qabsaday Jabuuti isla-markaana Ciidammada Shiinuhu kula kaceen “Saldhiggaciidamada Shiinuhu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa la beegsaday duuliyeyaashii Maraykanka laysarka sababa Indho la’aanta ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waa sababta keentay in Pentagon-ka uu si isa soo taraysa u doonayo inuu ku noqdo Berbera. Bishii Ogosto 2021, iyada oo aan si guud loo sheegin, ayaa kooxda qiimaynta milateriga ee Maraykanku waxay si aamusnaan ah ugu socdaaleen Berbera si ay u soo indho-indheeyaan madaarka cusub Berbera iyo dekedda labadaba, . Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Berbera oo la kulmay weftiga. Weftigu Maalintii labaad waxay u socdeen (Berbera) iyagoo aan hubaysnayn oo deggan, sidaas darteed waxa inagu filan in la yidhaahdo, qiimayntu si fiican ayay u dhacday”

Rubin wuxuu isbarbar-dhigay Dhararka dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Madaarrada Jabuuti iyo Berbera “Run-wayga Jabuuti waa 10,335 Tallaabo,  Berberana waa 13,580 Tallaabo. Jabuuti waa cidhiidhi; laakiin madaarka Berbera cidhiidhi”

Mr. Rubin wuxuu sheegay oo kale “Waxa muhiim ah in Shiinuhu aanay joogin Somaliland iyo xeebteeda 500 mayl ah ee Gacanka Cadmeed. Ma aha oo kaliya in Pentagon-ka uu rabo inuu galo Somaliland, balse Hay’adda Bulshada sirdoonka ee Maraykankuna Berbera, sidaa awgeed Joogitaanka Mareykanka oo joogto noqda ayaa ka caawin doonta Mareykanka la socodka argagixisada, ka hortagga shixnadaha hubka, iyo joojinta argagixisada,  waxayna Saldhigyada Mareykanka ka dhigi doontaa mid u dhow mawduucyada walaaca iyada oo aan loo bandhigin faragelinta Shiinaha”

Micheal Rubin wuxuu muujiyey oo kale “Khatarta sii kordhaysa ee ka imanaysa Shiinaha iyo hubanti la’aanta mustaqbalka Djibouti ayaa hadda su’aasha hor keenaysa (Maamulka Maraykanka), haddii Jake Sullivan uu ku guuldareysto inuu ku qasbo go’aan siyaasadeed, waxaa laga yaabaa in daaqada fursaddu xidhanto, waxaana laga yaabaa inuu Shiinuhu u dhaqaaqo Somaliland si uu uga hor-tago in Maraykanka xarun ka samaysto (Somaliland), markaa mustaqbalka Madaxweyne Joe Biden ee Afrika wuxuu ku xidhan yahay natiijada.”

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here