Ottowa(Arabsiyonews):-Jamhuuriyadda Somaliland oo hawlan olole ay dunida kaga raadinayso aqoonsi caalami ah, ayaa dowladda Canada ka dalbatay Aqoonsi iyo taageero dhaqaale, taas oo ay sheegtay inay muhiimad u leedahay waddamada reer galbeed inay taageeraan dimuqraadiyaddeeda oo hortaagan saamaynta Shiinaha ee gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu xusay warbixin ay qortay jariiradda Globe$Mail oo soo xiganaysa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd oo dhawaan socdaal qayb ka ah ololaha aqoonsi-raadinta ku tagay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada iyo sidoo kale wefti ka socda Congress-ka maraykanka oo socdaal ku yimi Somaliland, Dr Ciise Keyd ayaa intii uu socdaalka ku joogay dalka Canada waxa uu kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxaanu u soo bandhigay qadiyadda Somaliland iyo sida ay u kala duwan yihiin dalkiisa iyo waddankii hore laysugu odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, maadaama Canada aanay ka mid ahayn waddamada reer Galbeedka ee xidhiidhka tooska ah la leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Wasiir Ciise Keyd oo ah muwaadin haysta dhalashada dalalka Canada iyo Maraykanka uu masuuliyiinta dalkaas ku qanciyey inay deeqaha iyo taageerooyinka dhaqaale si toos ah ugu soo hagaajiyaan dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo dhinaca kale u soo bandhigay inay dowladda Canada Aqoonsato Somaliland.

“Waxaanu dowladda Canada ka doonaynaa inay samayso is-barbardhig oo cid walba wixii ay qabsatay lagu abaal-mariyo. Soddonkii sanno ee u dambeeyey, waxaanu dunida tusnay inaanu nahay dowlad jirta oo leh xuduudkeeda iyo Ciidamadeeda,” sidaa waxa jariiradda Globe&Mail u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu ku dooday inay Somaliland hesho Qaddar Yar oo ka mid ah Mucaawimooyinka beesha Caalamka ee lagu soo qaado magaca dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

“Boqolkiiba 98 mucaawimooyinka wada qaata Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in Boqolkiiba labada kale soo gaadhaan Somaliland,”sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibaddu u sheegay jariiradda Globe&Mail oo xustay in wasiirku ku dhaliilay in Qaybo ka mid ah Mucaawimooyinkaasi u gacan-galaan Kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in sannadkii hore Xadka u dhexeeya ka celiyaan Tallaalka Covid-19 oo laga soo diray magaalada Muqdisho laba maalmood oo kaliya ka hor wakhtigii uu Dhacayey talaalku.

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in Dalka Canada uu $37 Milyan mucaawimo u siiyey Soomaaliya intii u dhaxaysay 2019-kii iyo 2020-kii iyadoo dhaqaalahaas loo mariyey Hay’adaha Caalamiga ah iyo ururrada aan dowliga ahayn.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada Geneviève Tremblay, ayaa jariiradda Globe&Mail u sheegtay inaanay dowladdoodu mucaawimooyinka si toos ah u siinin Soomaliya balse ay u sii dhexmariyaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada Caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Laanqayrta Cas.  Afhayeenku waxa ay sheegtay in Canada ay taageerto mashaariicda gargaarka caalamiga ah ee ka socda guud ahaan ka socda Somalia iyo Somaliland.

Warbixintan Globe&Mail oo uu diyaariyey suxufiga caanka ah ee STEVEN CHASE, ayaa lagu falan-qeeyey muhiimadda Somaliland iyo Bogcadda ay ku taallaa u leedahay dalalka Reer Galbeedka iyo loolanka quwadaha dunida ee mandaqadda Geeska Afrika.

“Somaliland waxa ay soo jiidatay tartanka quwadaha adduunka ee dawladaha gobolka Geeska Afrika oo ku yaala dhinaca galbeed ee badda cas oo ah marin muhiimka ah. Qiyaastii boqolkiiba 10 ganacsiga adduunku waxa uu maraa badda cas marka lagu daro marin-boodka Suweys oo ay maraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga oo u kala goosha badweynta Hindiya iyo badda Mediterranean-ka,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta oo intaas ku dartay, “Shirkado caalami ah ayaa ku tartamaya maalgeshiga Somaliland oo leh 850 KM xeeb ah oo teedsan Gacanka Cadmeed oo ah afaafka laga galo badda cas. Shirkadda DP World ayaa US$ 440-milyan ku maalgelisay dhismaha Terminalka cusub oo konteenar ah oo lagu kordhiyey dekedda Berbera.”

Waxa warbixinta lagu soo qaaday saamaynta Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika oo kor u kacay muddooyinkii u dambeeyey, kaddib markii Shiinuhu saldhiggii Milatari ee meel waddankiisa ka baxsan ka samaystay caasimadda Dalka Jibuuti oo masaafo dhan 21 KM u jirta Xadka u dhexeeya Somaliland. Shiinaha ayaa sidoo kale maalgelin xad-dhaaf ah ka hirgeliyey dalka Jabuuti, waxaana warbixin ay qortay jariiradda Washington Post lagu sheegay in dalkaasi ka mid noqday waddamada dhaqaalahoodu u af-duuban yahay maalgeshiga Shiinaha, iyadoo la xusay wax-soo-saarka Gudaha ee Dalka Jabuuti boqolkiiba 70 ku dhisan yahay Maalgeshiga Qaamaysan ee Shiinaha.

Warbixinta oo lagu faaqiday go’aanka Somaliland ka qaadatay danaha Siyaasadeed ee Shiinaha, waxa lagu yidhi, “Somaliland waxay ka mid tahay dhawrka dawladood ee qaarada Afrika ee ku gacan-saydhay Deymaha iyo hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Shiinuhu ku doonayo Qorshaha ay ku abuurayso xidhiidho cusub oo ganacsi. Sannadkii 2020, dawladda Somaliland waxay heshiis ku dhisan xidhiidho dibloomaasiyeed la gashay Taiwan, taas ka soo horjeeda qorshaha Shiinaha ee ah in si diblomaasiyadeed u go’doomiso Taiwan.”

Warku waxa uu intaas ku daray in Taiwan oo uga abaal-celinaysa khatarta ay Somaliland u badheedhay ay qayb laxaad leh ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada ee Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa sheegay in dowladda Taiwan ay dalkiisa ku caawisay tallaalka Covid-19, kaddib markii ay xukuumadda dib uga celisay Tallaalka dhacay ee looga soo diray Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in dowladda Somaliland ay Deymaha Shiinaha u aragto dabinno siyaasadeed oo cid kasta oo oggolaata inay qaataan ay u gacan-galayso, waxaanu sheegay in Shiinuhu xilligan khatar ku hayo gobolka Geeska.

“Haddii aanu heshiis la gali lahayn oo aan Shiinaha u oggolaano in uu saaxiib dhow noo noqdo, waxay ka dhigan tahay inay wax weyn u dhimi karto Isu-socodka xorta ah ee Marin-biyoodyada gobolka, taasina waa sababta ku kaliftay Maraykanka inuu fiiro gaar ah u yeesho.”

Warbaahinta Global&Mail oo Afhayeenka wasaarada Arrimaha dibadda Canada weydiiyay haddii ay dowladdoodu tixgelin siinayso Aqoonsiga Somaliland, afhayeenku waxay ku gaabsatay jawaab u muuqata tallaabo aan u badnayn inuu qaato waddankeedu haddii aanu ahayn qorshe wada-jir ah oo ka duulaya rabitaanka xulafadooda reer galbeedka.

“Canada xidhiidh wanaagsan oo laba geesood ah ayay leedahay Soomaaliya marka lagu daro Somaliland. Canada waxa ay ku dhiirrigelinaysaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo dowladda Somaliland inay heshiis nabadeed ka wada-gaadhaan xidhiidhkooda muqtaqbalka,” sidaas ayay tidhi Ms Tremblay.

Gebo-gabadii, waxa warbixinta si weyn loogu faaqiday dedaallada horumarineed ee ka socda Somaliland oo lagu ammaanay inay hirgelisay nidaam dimuqraadiyeed oo ka dhex-iftiimaya gobolka Geeska Afrika.

Warbixinta Globe&Mail ayaa lagu faaqiday doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadkii hore ka qabsoomay Somaliland, waxaana lagu soo xigtay warbixin ay doorashadaas ka diyaariyeen ururka Xasaradaha adduunka ee International Crisis Group oo gushii mucaaradku ka gaadhay doorashooyinkaas ku tilmaamay guul wax ku ool u ah hayaanka dimuqraadiyadeed ee Somalilland maadaama ay Somaliland ku taallo gobol ay xasilooni-darradu regaadisay oo xilliyada doorashooyinka rabshado ka dhacaan isla markaana ay naadir tahay guulaha Mucaaradku ka gaadhaan doorashooyinka.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office