Diblumaasi Maraykan ah oo Somaliland u Rajeeyay aqoonsi Caalami ah sanadkan cusub

0

Hargeysa (Arabsiyonews):-Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Timbor Nagy, ayaa ka hadlay sanadka cusub ee 2022 Iyo Aqoonsiga Somaliland
.
Ambassador Timbor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in sanadka cusub 2022 uu u rajaynayo Somaliland in ay ka hesho dunida Inteeda Kale aqoonsi Caalami ah.

“Somaliland waxaan Sanadka Cusub Ee 20202 u rajaynayaa in ay ay ka hesho dunida Inteeda Kale aqoonsi Caalami ah.” ayuu Yidhi Tiber Nagy

Hadalka Diblomaasigan ayaa ku soo beegmaya Xil Madaxweynaha Maraykanka joe Biden uu saxeexay sharci ahmiyad weyn u leh Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada arrimaha Millatariga, difaaca iyo siyaasadda iyo arrimaha diblumaasiyadda. Kaas oo la filayo in uu wax weyn ka tari-doono qaddiyada madax-bannaanida Jamhuuriyada Somalialnd.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office