Baanka Aduunka :Loollanka Dekedaha Berbera Iyo Jabuuti Oo Waji Cusub Yeeshay

0

Damaca Djibouti ee ah in la dhiso dhaqaale tartan ku dhisan oo ku qotoma dekedaha iyo kaabayaasha la xidhiidha dekeda Djibouti,ayaa waxa ay noqonaysaa mid horseeda murugo, sida laga soo xigtay hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF.

IMF waxa ay ka digaysaa in Djibouti oo samaysay maalgashi balaadhan oo la xidhiidha dekedaheeda, si ay markaas u noqoto ” Singapore-ta Afrika”, in dhisitaanka Dekeda Berbera dabadeed, ay u dhawdahay in riyadaas ay dilaacdo, oo ay burburto iyada oo dhaqaalaha wadanka uu wajahayo mustaqbal aan la hubin.

IMF ayaa waxa ay ku doodaysaa in inkasta oo maalgashiga Djibouti uu horseeday kobac dhaqaale oo xoogan sanadahii u dambeeyey, laakiin hadana waxa ay sheegeen in shaqo abuurka iyo dakhliga cashuuraha ay mar kasta ahaayeen kuwo yar, lana filayo dhibaato dhaqaale la’aan ku habsata Djibouti marka la dhamaystiro Dekeda Berbera.
Lacag amaaha oo ka timid Shiinaha, Khaliijka Carabta iyo Maraykanka, lacagtaas oo kor u dhaaftay 4 bilyan oo doolar, ayaa waxa ay ku maalgashatay 6 dekadood,shidaal, goobo dhaqaale oo xor ah iyo khad tareen oo ku xidha Itoobiya, oo ah macmiilkooda ugu weyn.
Djibouti waxa ay maamushaa 95% ganacsiga soo galaya iyo ganacsiga ka baxaya ee dhinaca Itoobiya, waxana sanadkii ka soo gala lacag ah $1,900,000,000 oo ah fiiga dekedaha.

Dhanka kale, dawladaha jaarka ee Somaliland iyo Kenya ayaa maalgalinaya kaabayaasha dakadahooda, taas oo ah tartan la hubo oo keenaysa in ay yimaadaan albaabka Djibouti.
Waxa ay sheegtay IMF in Kenya ay la wareegayso 15% alaabta Djibouti, iyada oo Somaliland ay la wareegi doonto qaybta ugu weyn oo ah ilaa 30% alaabta u socota Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqa Dekeda Djibouti ayaa hoos u dhac uu ku yimid markii hore, waxaana sabab u ahaa khalkhal ku yimid, khalkhalkaas oo sabab u ah xanuunka Covid-19 iyo khalkhal labaad oo ay sababtay ganacsiga aduunka iyo dalabaadka Itoobiya.
Natiijo ahaan kobaca wax soo saarka ayaa hoos u dhacay boqolkiiba hal, sanadkii 2020, sida ay sheegeen IMF, waxana ay IMF sheegtay in 2022 ay khataro hoose ku imanayaan Dekeda Djibouti.

Khatarahaas ayaa khatarta ugu weyn ay tahay, in Dekeda Berbera aanay ku joogsanayn in ay la wareegto 30% alaabta u socota Itoobiya, ayna suuragal tahay in ay qaadato qayb suuragal ay tahay in ay ka badantahay intaas.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here