MUQDISHO:-Iyada oo madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ku kaftamayaan xilka ay uhayaan Bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa hakiyay awoodaha ra’iisul wasaaraha, iyadoo uu socdo loolan dhanka awoodda ah, taasoo keentay in Mareykanka iyo UK ay ku baaqaan in la qaboojiyo Xiisada,

Waxaana sare u sii kacaya walaaca dhanka siyaasadda.Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo Isniintii ka soo baxay lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu eedeeyay “Baaritaano socda oo ku saabsan musuq maasuq iyo ku takri fal dhul dan guud ah”.

Waxaa weli hakad ku jira shaqada iyo awoodaha Ra’iisul Wasaaraha inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda,” ayaa lagu daray qoraalka.Farmaajo ayaa Rooble ku eedeeyay in uu dhacay dhul dan guud ah oo ay lahaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale sheegay in Rooble uu faraha kula jiray baaritaanka isagoo cadaadis ku saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isagu horkacaya baaritaanka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabayay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in ficilka madaxweynaha uu yahay “ku xadgudub dastuurka iyo shuruucda kale”.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si caadi ah u gudanayaa howl-maalmeedkiisa dastuuriga ah ee loo igmaday, wuxuuna si buuxda uga go’an gudashada mas’uuliyadda qaran ee saaran si uu u sameeyo hanaan doorasho oo la aqbali karo oo ku dhammaata in si nabad ah xilka lagula kala wareego,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Isweydaarsiga Hadaladii isniinta ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee cirka isku sii shareeraya khilaafka ka taagan dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

War-murtiyeedyo is-daba-joog ahaa Axaddii, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii waday doorashadii baarlamaanka ee muddada dheer dib u dhacday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu Isniintii soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay afgambi militari oo uu sameeyay madaxweynaha. “Shacabka Soomaaliyeed waa soo jeedaan, waana ay feejigan yihiin, waxaan ku boorrineynaa in la ilaaliyo nidaamka dimoqraadiyadda ah ee dalka, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan in Ra’iisul Wasaaraha lagu garab istaago dadaallada uu ugu jiro sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu boorisay madaxda dalka in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka fogaadaan falalka daandaansiga ah.

Dhanka kale Safiirka Britain ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa sidoo kale ku baaqday in xiisadda la qaboojiyo, iiyadoo raacisay “Rabshadu waa wax aan la aqbali karin.

Warbixin Uu Diyaariyey Maxamuud Saleebaan

Arabsiyonews.com

Muqdisho Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here