Xisbiga WADDANI oo soo Dhaweeyay Bayaan ka soo Baxay Beesha Caalamka

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey bayaan ka soo baxay dalalka Beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka taageeraan doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe.

Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Xisbiga Waddani Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan   ka xisbi ahaan. qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku.

Ismaaciil Aadan Cismaan Oo Warbaahinta Kula Hadlay Xarunta Xisbiga uu ku leeyahay Magaalada Hargaysa waxaanu tilmaamay in ka Xisbi ahaan ay Diyaar u yihiin Doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay qabsoonto Sanadka 20222

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office