Nairobi:-Hoggaamiyaha xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) Raila Odinga ayaa u ballan qaaday beeraleyda qaadka ee Meru in uu suuqyo uga heli doono wax soo saarkooda dalal kala duwan haddii loo doorto madaxweynaha Kenya sannadka 2022 -ka.
Raisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Mr. Raila Odinga oo horey u balan qaaday hadduu xukunka ku guulaysto inay xukuumaddiisu aqoonsan doonto madax banaanida ay xaqa u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maalinimadii Isniintii 18 Oct ee Toddobaadkan meel fagaare ah ka sheegay hadduu xukunka ku guulaysto inay xukuumaddiisu qaadka miirooga suuq cusub uga soo furi doonto dalalka Somaliland Yemen iyo DRC kongo
Odinga ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Mau, ee Gobolka Meru, iyadoo ahayd maalintii ugu horreysay ee socdaalkiisa saddexda maalmood ah ee uu ku soo jiidanayo codbixiyeyaasha gobollada Bari dalka Kenya.
Mr. Raila Odinga oo ku sugan deegaanka qaadka miiroogu ku baxo, oo si ayaa mar labaad ku celiyey inay qorshaha ugu jirto, hadduu xukunka ku guulaysto inay xukuumaddiisu xidhiidh is kaashi iyo mid ganacsi la yeelan doonto Jamhuuriyadda Somaliland
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








