Wasiir wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland, mudane Cabdillaahi Abokor Maxamed, ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq xilligii uu ahaa wasiirka jidadka.
Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu markasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla markaana uu hagardaamo ku yahay Qaranka Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo dhammaan dhukumantiyadii iyo xogta hawlihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, isla markaana uu maxkamadda u gudbinayo, si Faysal ay garsoorka ugu kala baxaan.








