Badhasaabka Gobolka Gebilay oo Dhagax dhigay Garoon laga Hirgalinayo Degmadda Arabsiyo

0

Arabsiyo(Arabsiyonews):-Badhasaabka Gabilay Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye ayaa dhagax dhigay Garoon kubada cagta ah oo laga hirgalinayo Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

Guddomiyaha oo socdaalkiisan ay ku wehelinayeen, Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar, Taliye ku xigeenka qaybta booliska Gaashaanle dhexe Cabdi Xasan Cismaan (Cabdi Kiin) iyo xoghaya dawlada hoose ee Gabilay Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye.

Xoghayaha Degmada Gabilay Cabsiiye ayaa sheegay in mashaariicda noocan oo kale ay tilmaan u yihiin talaabo cusub oo ah in cashuurtii laga qaaday Muwaadiniinta loogu adeegyo.

Maayarka Degmada Gabilay Maxamed Amiin ayaa tilmaamay in dhismayaasha garoomadu ay qayb ka yihiin qorshaha xukuumada Madaxweyne Muusa Biixi ee lagu dhiiri galinayo dhalinyarada JSL.

Maayarka ayaa cadeeyay in dhaqaalaha lagu fulinayo dhismaha garoonkan ay ka bixinayaan miisaaniyada degmada Gabiley ee 2021ka, waxaanu intaa ku daray in looga faa’iidaysto sidii dhalinyaradu uga fogaan lahayd balwadaha mustaqbalkooda dhaawacaya oo ay isku dhex galaan.

Maayarka Degmada Gabiley ayaa wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyay in dhismaha garoonka todobaadkan la bilaabi doono.

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Xamse Sacad Muuse ayaa soo dhaweeyay dhismaha garoonkan la dhagax dhigay, isla markaana u mahad naqay maamulka gobolka Gabilay iyo kan degmada waxaanu xusay inuu dhismaha garoonkani yarayn doonto halistii dhalinyarada ka haysatay dooxyada ay u ciyaarta tagi jireen.

Gabagabadii Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdi Kariim Aadan Xaaji Diiriye ayaa sheegay in dhalinyaradu baahi wayn u qabeen kagana badbaadi doonaan balwadaha xun xun oo badalkeedi ay heli doonaan jidka dhisan oo maskax fayoobi ku jirto.

Arabsiyonews.com

Muuse Xuseen Xasan

Arabsiyo/Office