Hargeysa(Arabsiyonews);-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa si weyn u dhaliilayay masuulka ugu sareeya Hay’adda Hantidhawrka guud ee Qaranka, iyagoo sheegay in aannu ula dhaqmin qaab masuuliyid ku jirto.
Sidoo kale, waxay sheegeen in ay jiraan lacago la lunsado oo laga qaado diyaaraddaha, taas oo ay ku oggaadeen baadhiteen ay sameeyeen, waxayna sidaa ku sheegeen warbixin lagu bandhigay gollaha.
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaallaha ee gollaha Guurtida Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ah, ayaa warbixin uu siinayay maanta gollaha kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale.
Xidlhibaan Axmed Dirir, wuxuu sheegay in guddi ahaan ay booqdeen Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Xafiiska Maareeyaha Duulista Hawadda Somaliland iyo Baanka Dhexe, isagoo gollaha ka sheegay waxyaabaha ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo qaabkii ay u qaabileen.








