Hargeysa (Arabsiyonews) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamed, ayaa ka hadlay jidka uu u marayo ictiraaf-raadinta Somaliland.
Wasiir Ciise Kayd wuxuu sheegay in xafiisyada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalalka dibeddu aanay noqon doonin kuwo dhaqdhaqaaqooda la arko xusaska 18-ka May oo keliya, balse hadda ka dib laga dhigi doono kuwo qabta hawl-maalmeed joogto ah, si meel-dheer loo gaadhsiiyo Qadiyadda Ictiraaf-raadinta, isaguna ka Wasiir ahaan uu Masuuliyiinta Dawladaha Shisheeye la kulmi doono marka uu dalalkooda booqdo, halkii wakhtiyadii hore Wasiirrada Xukuumadda ka socdaa khudbado keliya ka jeedin jireen Xaflado Qurbe-joogto ugu qabtaan Hoteellada dalalka ay booqashada ku tagaan.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo khudbad u jeediyey qaar ka mid ah Qurbe-joogta Somaliland ee xilligan dalka gudihiisa ku sugan, ayaa sidoo kale sheegay inuu dedaalka ugu badan ee ictiraaf-raadinta ku bixin doono Dawladaha dadkoodu ku hadlaan Afka Faransiiska, si kor loogu qaadayo Saaxiibbada Somaliland ee Caalamka, taasi oo uu xusay inay Somaliland ka caawinayso dedaalkeeda ictiraaf-raadineed.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








