G. Wakiillada Oo La Hor Keenay Laba Mooshin Mid Laalay Midna Ansixiyay.

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Golaha Wakiilada JsL ayaa maanta fadhi ay yeesheen waxa ĺa hor keenay Laba Mooshin oo wax lagaga Bedelayo Xeer Lr 23 oo ah Xeerka is Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka.

Labadan mooshin ayaa ka hore waxa lagu dallacsiinaayay darajooyinka 29 degmo, halka mooshinka labadaana lagu dallacsiinaayay 3 degmo oo magaalo madaxyo u ah qaar ka mid ah gobollada Somaliland. La taliyayaasha sharci ee golaha oo xeer hoosaadku waajibanayo inay ka talo bixiyaan ayaa sheegay in labada mooshin ka 1aad uu jabay, mooshinka labaadna uu sharciga waafaqsan yahay. Mooshinka ansaxay oo dallacsiinaayay 3-da degmo ee Caynaba, Taleex iyo Balligubadle oo hore u ahaa darajada C ayaa waxa hadda loo dallacsiiyay derajada B.

Golahaana cod gacan taag ah ku ansixiyay mooshikaasi waxaana oggolaaday 35 xildhibaan, waxa diiday 12 xildhibaan, waxa ka aamusay 15 xildhibaan, guddoomiyihun muu codeyn, sidaas ayuuna mooshinkaasi ku ansaxay.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office