Dawladda Somaliland Oo Xidh-xidhaysa Dad Ka Qayb-qaatay Cod-bixinta Doorasho Ka Dhacday Muqdisho.

0

Dawladda Somaliland Oo Xidh-xidhaysa Dad Ka Qayb-qaatay Cod-bixinta Doorasho Ka Dhacday Muqdisho.

Burco (Arabsiyonews) – Dawladda Somaliland, ayaa si adag uga hadashay doorashada Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya la sheego inay ku matalayaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Maanta khudbad ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Arday ka aflaxday Jaamacadda Burco, ayaa sheegay in dadkaasi qolka lagu doortay aanay matalin Shacabka Somaliland, isla-markaana ay yihiin dambiileyaal ka Fallaagoobay Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Saylici waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Somaliland ay Nasiib-darro u aragto in Qaramada Midoobay oo og Dawladnimada iyo Madax-banaanida Somaliland ay markhaati ka noqoto doorashada dad kooban oo ay ogtahay in aanay matalin Somaliland, balse ah dambiileyaal fallaagoobay.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Dawladdu ka war qabto oo ay ogtahay shaqsiyaad Madax duubtay oo ka qayb-galay cod-bixinta ka dhacday Muqdisho, sidaasi darteedna marka ay dalka dib ugu soo noqdaan Tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale, waxa doorashada dadka Magaca Somaliland kaga qayb-galaya Aqalka sare iyo aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Cambaareeyay Wasiirka Wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo hadal ka jeediyey Xafladda Qalin-jebinta Ardayda Jaamacadda Burco,

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office