Drs. Edna: Haweenayda Reer Somaliland Ee Saamaynteeda Laga Dareemay Dunida Oo Dhan

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Warbaahinta dunida ugu caansan qaarkood, ayaa baahiyey Waraysi lala yeeshay Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah hal-doorka Haweenka Somaliland ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka.

Telefiishanka KSL TV ayaa waraysi la yeeshay Dr’s. Edna Aadan Ismaaciil oo safar ku tagtay Magaalada Salt Lake oo ah Magaalo Madaxda Ismaamul-goboleedka Utah ee dalka Maraykanka, waxaanu Edna ku tilmaamay Haweenay khaas ah “Dhammaadkii todobaadkii hore waxa ku sugnayd  Salt Lake City haweeney khaas ah  oo ka timid dhul aad u fog.” ayuu qoray, waxaanu intaa ku daray “Waxay isbeddel la yaab leh u keentay dalkii hooyo ee Somaliland, Somaliland waa dal yar oo ku yaal Geeska Afrika.”

Edna Aadan Ismaaciil ayaa tidhi “Somaliland waa dal nabdoon, waxaanu u dabaal degay 30 sano oo xasilooni ah.:

Telefiishanka KSL wuxuu xusay in Edna u dabbaal-dagayso 84 jirkeeda “Waa wakhti ay dabbaal-degayaan Edna Aadan Ismaaciil oo 84 jir ah iyo dadka reer Somaliland.” ayaa lagu yidhi War-bixinta laga sameeyay Waraysiga uu Telefiishanku la yeeshay Edna.

Telefiishanku wuxuu ka warramay Cisbitaalka Edna oo uu sheegay inuu yahay mid qalabkiisu u dhamaystiran yahay

“Cisbitaalka leh qalab aadka u dhameystiran ma suurto-galeen haddii aan la helin waxqabadkii cajiibka ahaa ee Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd qof u ololeeya nolosheeda, taasi oo u horseeday isbeddel wanaagsan, waana Hooyo Teresada Somaliland.” Ayuu qoray KSL TV oo War-bixintiisa sii wada.

Edna ayaa u sheegtay Telefiishanka in sababta ay dedaalka ugu jirtaa tahay inay wax ka beddesho nolosha dadka isla-markaana horumar muuqda la gaadho “Haddii aan wax ka beddeli karo nolosha, oo aan helno fursado la mid ah kuwa aanu helnay,  kuwa helay fursadaha ka yar kuwa aan helnay, taasi waa tan nolosha ka dhigaysa mid qiimo leh, waana waxa aan halkan u joogno” ayay tidhi.

Telefiishanka ayaa war-bixintiisa ku sheegay in doorka ay Edna kaga jirto Arrimaha Bulshada, Arrimaha Caafimaadka Somaliland saamaynteeda  iyo saamaynteedu gaadhay Adduunka oo dhan.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in Dr’s. Edna Aadan smaaciil tahay gabadh uu dhalay dhakhtar caafimaad oo caan ahaa, dedaalkii ay samaysayna horseeday inay noqotay  umulisadii ugu horraysay ee la tababaray, iyo haweenaydii ugu horraysay ee haysata liisanka darawalnimada.

War-bixintu waxay xustay in Edna bilowday kulliyad kalkaalisanimo oo ay dhigtaan in ka badan 1,000 arday, boqolkiiba 70 ay yihiin haween dhallinyaro ah.

Haweenaydan oo hadda 84 jir ah ayaa dhistay cusbitaal, markii dambena waxay noqotay haweenaydii ugu horraysay ee noqota wasiirka arrimaha dibadda Somaliland “Waa in inaga oo wada jirna, rag iyo dumarba, inaan ka wada shaqeyno dhinacyada wanaagsan ee caafimaadka iyo horumarka, waayo? ”Iskaashigaas la’aantii horumar ma dhacayo.”

Edna Aadan Ismaaciil oo ku sugnayd Magaalada Salt Lake City ee dalka Maraykabka oo ay kaga qayb-gashay shirweynihii doTERRA, ayaa aaminsan in Haweenka Afghanistan ay hadda cashar ka baran karaan Somaliland.

Edna Aadan oo ah Haweeney cajiib ah oo ku nool dhul aad u fog, waxay saamayn ku yeelatay malaayiin.

Edna oo ka warramaysa qorsheyaasha horumarka ee Qofka dedaalaya ayaa tidhi “Waa inaan subaxdii toosnaa oo aan nidhaahnaa, ‘Maxaa maanta u baahan hagaajin,’ dabadeedna hagaajiya wixii aad hagaajin kartaan,” ayay tidhi Marwo Edn Aadan Ismaaciil, waxayna intaa ku dartay in 30 sano gudahood ay Somaliland dib isu dhistay, sidaasi darteedna ah hadda Somaliland leedahay ​​haween garyaqaanno ah, dhakhaatiir, dhakhaatiir qalliin iyo dhakhtar ilkood.

War-bixintan oo dheer isla-markaana lagu baahiyey muuqaal iyo qoraalba, ayaa waxa dib u sii baahiyey War-bixintan xiisaha leh.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here