Jigjiga (Arabsiyonews) – Afhayeenka jabhadda hadda Xisbiga Isku rogtay ee ONLF ee dalka Itoobiya Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaan), ayaa ka hadlay Xorriyadda hadalka ee ka jirta Somaliland.
Afhayeenka ONLF oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa sheegay in Wasiirrada Ismaamulka Soomaalida looga baahan yahay inay tixgeliyaan Xorriyadda hadalka,
halka uu Suxufiyiintana u soo jeediyey inay si Xor ah dadka ugu shaqeeyaan, iyagoo ku dayanaya Suxufiyiinta Somaliland oo uu sheegay inay si xor ah Wararka u gudbiyaan, haddii midkood la xidhana u hadlaan oo ay difaacaan, taasi oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka loo baahan yahay in Warbaahintu ku hagto dawladda iyo dadweynaha.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








