Hargeysa(Arabsiyonews):-Shir ay maanta isugu yimaadeen, Guddida Fulinta Ee Xisbiga UCID, isla markaana uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa kasoo baxay Qodob dhawr oo kala duwan:-

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe kana Qaybgaleen Xubnaha Guddida Fulinta iyo Hogaanka Xisbiga UCID ayaa ka qabsoomay Xarunta dhexe Xisbigu Hargeysa ku leeyahay waxaana Qodobada Shirka guddida Fulinta ka soo baxay kala ahaayeen.

1: In Shir-waynaha Xisbiga UCID, uu qabsoomo, 30-ka ila 31-ka, Bisha November ee Sannadkan.

2: In la qabto Xafladda Dabaal-degga Sannad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay Aasaaska Xisbiga, waxaana loo qoondeeyay inay qabsoonto, 15-ka Bisha October ee Sannadkan, iyadoo lagu qaban-doono Magaalada Borama.

Waaxana warbaahinta uga warbixiyey Xoghayaha arimaha Gudaha ee xisbiga Baashe cabdi Gaboobe

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office