Hargeysa (Arabsiyonews) – Ugaadhsiga Xayawaanaadka kala duwan, sida Harimo-cadka iyo ka Ganacsigooda Sharci-darrada ah, ayaa Faraha ka baxay Dalal badan oo Afrika ku yaalla.
Ka Ganacsiga Harimo-cadka la soo Ugaadhsado oo Hab Qarsoodi ah Dalalka Afrika loogaga saaro Diyaarado iyo Doonyo si Dalal kale loogu iib-geeyo, ayaa maraya heer ah in Iibkooda lagu xayeysiiyo Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, sida Facebook.
War-bixin dheer oo ay daabacday Warbaahinta The East African oo Fadhigeedu yahay Dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Jabuuti Safka hore kaga jiraan Goobaha laga dhoofiyo Xayawaannaadka la Ugaadhsado ee Harimo-cadku ka mid yahay.
Warbaahinta oo soo xiganaysa Report ay soo saartay Hay’adda difaaca Xayawaanka ee ‘World Animal Protection’ ayaa sheegay in Xayawaannaadka la ugaadhsado ay ka mid yihiin Harimo-cadka, Fiid-meerta iyo Harimo-cadka kiisa yaryar, ka dibna si Qarsoodi ah meelaha qaar loogaga daabulo diyaarado ama Doonyo.
Patricia Tricorache oo ah aqoonyahanad Khabiir ku ah ka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Duur-joogta isla-markaana ka tirsan Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in intii uu waday cilmi-baadhistiisa la xidhiidha Bogagga Baraha Bulshada ee lagu xayeysiiyo duur-joogta la soo ugaadhsaday si loo iibiyo uu ogaaday in Duur-joogta la dhoofiyo waddan kasta oo Afrika ka mid ah, Laatiin Ameerika iyo Qaaradda Aasiya “Diyaarado kala duwan baa lagu soo daabulaa” ayay tidhi Patricia Tricorache
Cilmi-baadhista Ms Tricorache ayaa daaha ka qaadday in Harimo-cadka yaryar ee laga ugaadhsado Somaliland iyo Jabuuti inta badan doonyo lagu geeyo Dalalka Bariga Dhexe, iyadoo intaa raacisay War-bixintu inay jiraan in marmarka qaarkood diyaarado lagu daabulo Harimo-cadka yaryar ee laga ugaadhsado Somaliland iyo Jabuuti.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








