Hargeysa(Arabsiyonews)Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Cabdilaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowladda Farmaajo lacagtii ugu badnayd ku kharash-garaysay sidii ay xasilooni-darro iyo qalalaase siyaasadeed uga abuuri lahayd gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Cabdilaahi Maxamed Nuur ah Aqoonyahan da’yar oo Raysal-wasaaraha Soomaaliya toddobaadkii hore u magacaabay xilka Wasiirka Amniga Soomaaliya kaddib markii uu ka qaaday masuulkii xilkaas hayey Xasan Xundubay, ayaa hadalkan ka sheegay kulan Dood ah oo telefishanka Universal ku qabtay magaalada Muqdisho dhawaan.
Cabdilaahi Maxamed Nuur oo toddobaadkan loo dhaariyey xilka Wasiirka Amniga ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in muddadii uu Farmaajo hayey xika madaxweynaha dalkaas uu lacagtii ugu badnayd oo kor u dhaafaysa Malaayiin Dollar ku bixiyey inuu gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka abuuro khal-khal nabadgelyo darro isagoo adeegsanaya shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo xilalka ka haya dowladda Soomaaliya.
Waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale lacagahaas loo adeegsaday burburinta maamul-goboleedyada Soomaaliya qaarkood oo ay ku jiraan Puntland, Galmudug, Jubaland iyo qaar kale.
Wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uu sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya lacagaha lagala baxay Baanka iyo Shaqsiyaadka lacagaha loogu dhiibay inay nabadgelyo-darro iyo iska horkeen shacab ka sameeyaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.
Tan iyo markii sannadkii 2017-kii xillka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka faa’idaysanaya awoodda xilka loo doortay, waxa waxa uu ka badheedhay dagaal ay hagayso siyaasad cadaawad ku dheehan tahay oo uu ula badheedhay Somaliland.
Dagaallada siyaasasadeed ee Farmaajo oo ka shidaal-qaadanaya lacagaha uu wasiirka Amniga Soomaaliya sheegay, ayaa isugu jira qaar lagu faafinayo warar baro-bagaando ah oo waxyeello loogu geysanayo amniga dalka, sumcadaha hay’adaha dowladda qaarkood iyo masuuliyiinta dowladda oo aflagaaddo lagu weeraro, waxaana dagaaladan loo adeegsadaa inay fuliyaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo qaarkood suxufiyiin yihiin, kuwaas oo si weyn looga yaqaano Baraha Bulshada.
Waxa kale oo dagaalladan ka mid ah qaar lagu leexsanayo deeqaha ay bixiyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka, iyagoo adeegsanaya magacii dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya oo Somaliland ka mid ahaan jirtay.








