Hadalka Guddoomiye Cirro Waa Khiyaamo Qaran Iyo Jariimad Uu ka galay Dawladnimadda Soddon jirsatay Ee Somaliland” Wasiir-KOORE

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo jariimad ka galay Qarannimada Somaliland. Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali-KOORE oo nuqul ka mid ah ay heshay Warbaahinta Wararka ee #Arabsiyonews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxaa ayaan darro ah in Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu u badheedhay inuu xaqiro Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ku tilmaamay kuwo dib u-heshiiseed, taasi oo fajiciso ku noqotay shacab iyo Xukuumadba. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wuxuu bartiisa Facebook ku soo daabacay kulan uu la yeeshay shalay sarkaal Dawladda Norway u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya,

waxaanu Guddoomiye Cirro masuulkaa ku tilmaamay inay qaabilsan tahay wadahadallada iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya. Tan iyo markii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya bilaabmeen sannadkii 2012kii, marna laguma sheegin wadahadal dib u heshiiseeneed, hase ahaatee Ujeeddada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd, walina tahay, in wadahadalkaas uu yahay sidii ay u guran lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya. Hadalka Guddoomiye Cirro waa khiyaamo qaran iyo jariimad uu ka galay dawladnimada soddon jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku naalloonayso,

mana aha markii ugu horraysay ee wuxuu ku caan-baxay inaanu xusaska 18ka May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland aanu waligii ka qaybgalay xusaska munaasibadaas markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa iyo imika oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Hadalkiisani wuxuu daliil u yahay tuhunno hore oo shacbigu ka qabay inuu xidhiidh iyo gacan-saar hoose la leeyahay Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen xubno ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu ugu dambeeyey Cabdilaahi Daamur.”

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office