Hargeysa(Arabsiyonews):-Super Transportation and Logistics oo ah shirkad cusub oo nidaam casri ah ku soo kordhisay Adeegyada Socdaalka iyo qaadista Alaabooyina ee isaga goosha gobollada Somaliland iyo dalalka Deriska, ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadda daah-furka Shirkadda oo si meeqaam sare leh loo soo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Maamulka sare ee shirkadda, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ganacsato iyo Marti-sharaf kale.
Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Maareeyaha Guud ee Shirkadda Super Transportation and Logistics Maxamuud Ciise Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay shikaddu bulshada u qabanayso, baahiyaha ay daboolayso iyo Waxyaabaha ay kaga duwan tahay adeegyada ay qabtaan shirkadaha kale ee hore uga jiray dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq oo munaasibadda ka hadlay, waxa uu shirkadda cusub ee Super Transportation and Logistics ku tilmaamay shaqada ay qaban doonto mid loo baahnaa isla markaana ku soo beegantay xilli casriya oo ay maanta dunidu ku naaloonayso adeegyada kaladuwan ee Tiknolojiyadda casriga ah oo gundhig u ah adeegyada cusub ee shirkaddu kaga duwan tahay shirkadaha kale.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Maamulaha Isu-xidhka Gaadiidka shirkadda ee u kala gooshaya gobollada Bari ee dalka Maamul-goboleedka Punland Axmed Maxamed Saleebaan, ayaa ka sheekeeyey qaabka ay shaqadu uga hawl-gali iddmo isaga oo dhinaca kalana tilmaamay arrimahann soo socda.
Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarina Jidadka Nagiib Maxamed Diiriye, ayaa maamulka iyo darawallada gaadiidka shirkadda ku booriyey inay muhiimadda koowaad siiyaan bad-qabka rakaabka iyo nabadgelyada.
Ex-xildhibaan Cabdullaahi Balaaki oo munaasibadda ka hadlay ayaa maalgashadeyaasha shirkadda ku bogaadiyey adeegyada Casriga ah ee ay dheer yihiin shirkadihii suuqa ugu jiray bulshada u qaban jireen inay Shaqo-abuur hor leh u sameeyaan Dhalinyarada dalka.
Dr Cabdifataax Ibaahim oo ku hadlayey afka Aqoonyahanka munaasibadda ka qayb-galay, ayaa sheeay in maalgeshiga ganacsiyada noocan ahi ku dhiirri-gelinayaan inay qurbejooga dalka iyo kuwa dalalka Jaarka ahi maalgeshi ka sameeyaan suuqyada dihin ee Somaliland.
Mujaahid Aadan-Ruush oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa saamileyda shikadda iyo maamulkeedaba ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf ku keeni kara shaqada shikadda. Waxa uu Mujaahidku ganacsatada dalka kula taliyey inaanay Jawaanno bariis ah dibadda ka soo waaridin balse ay dalkooda maal-gashadaan oo wershado ka hirgeliyaan waddanka.
Shirkadda Super Transport and Logistics oo xafiisyo ku leh gobollada Dalka iyo waddamada Deriska, ayaa sida maamulka shirkaddu sheegay, adeeggoodu kaga duwan yahay shirkadaha hore uga jiray dalka inay ku shaqaynayso Hab Online ah oo macaamiishu ku dalbanayaan tigidhooda. Waxa kale oo shikaddu hirgelisay nidaam GPRS oo lagu soconayo laguna kaantaroolayo xawaaraha Gaadiidka si loo sugo bad-qabka dadka iyo Gaadiidka. Habkan ayaa sidoo kale fududaynaya inay dadku si toos ah ula socdaan Alaabooyinka ay u dirayaan gobollada dalka.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








