Hargeysa (Arabsiyonews) – Warbaahinta Dunida, ayaa soo hadal-qaaday Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ka dib markii Toddobaadkan la xusay sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.

News Breakhttps://youtu.be/Q-UgXU2Bzmc oo ka mid ah Warbaahinta Dunida ugu Afka dheer, ayaa War-bixin dheer ka qoray Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee sannad jirsaday.

News Breakhttps://www.newsbreak.com/@editor-at-global-perspectives-1588823/2342825110427/somaliland-slaps-beijing-back-giving-taiwan-a-red-carpet oo War-bixintiisa Ciwaan uga dhigay “Somaliland oo Dhabarka ka dhirbaaxda Bijeing, Roog casna u dhigtay Taiwan”, ayaa wuxuu Falanqayn ku sameeyay inay Somaliland sidaas yeeshay wakhti uu Shiinuhu culays saarayey.

“Cadaadis bilo ah ka dib, dawladda Somaliland waxay jartay xidhiidhkii Beijing, waxayna ku casuuntay Taiwan inay safaarad ka furto caasimadda Hargeysa.” Ayuu qoray News Break, waxaanu intaa sii raaciyey ” Waa Tallaabo aan shaki ku jirin inay ka cadhaysiisay Shiinaha” sida uu lagu tilmaamay War-bixin uu daabacay The National Interest oo News Break ka soo xigtay qayb ka mid ah War-bixintiisa.

News Break wuxuu soo hadal-qaaday waxyaabaha ay Taiwan ka caawiso Somaliland oo uu iskaashi qoto-dheeri ka dhexeeyo “Taiwan waxay hadda leedahay barnaamij ah deeq-waxbarasho oo ay ardayda Somaliland siiso, si ay wax ugu soo bartaan Caasimadda Taipei, waxaana Somaliland ku soo qulqulaya kaalmada Taiwan ay siiso Somaliland, waxaana ka mid ah mashaariicda ay ka caawiso Tqmarta, Beeraha, iyo mashaariicda raasamaalka ah ee dadka.” Ayuu sheegay News Break.

Warbaahintu waxay intaa ku dartay “Somaliland waa gobol madax-bannaan, kaasi Madax-banaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya 1991-kii, wuxuu bixiyaa Baasaaboorka, wuxuu leeyahay  millateri, waxaanu leeyahay Lacag Qaran, laakiin Ururka Midowga Afrika iyo quwadaha kale ee dejiya ajendeyaasha ayaa go’aamiyey in Somaliland oo madaxbannaani loo aqoonsado ay dhiirri -gelin doonto dhaqdhaqaaqyada kale ee goosasho”, taasina tahay caqabadda xilligan haysata Somaliland, balse taasi aanay hoos u dhigin dedaalladeeda diblumaasiyadeed iyo xidhiidhka ay la yeelanayso caalamka intiisa kale.

War-bixinta waxa lagu soo hadal-qaaday Horumarinta Dekedda Berbera, taasi oo News Break sheegayo in haddii ay 30% alaabooyinka Itoobiya u socda ka soo degi karaan ay taasi burburin ku tahay Jabuuti oo Shiinuhu xaalkeeda adkeeyay, maaddaama oo uu ku leeyahay Deyn faro badan, taasi oo u dhiganta 71% wax soo-saarka Jabuuti

“Haddii dekedda Berbera ay qabsan karto 30% Xamuulka Itoobiya u socda, tani waxay u badan tahay inay burburiso dhaqaalaha Jabuuti.” Ayuu yidhi News Break, kaasi oo intaa sii raaciyey “Maaddaama Shiinuhu adkeeyay gacan ku haynta Jabuuti, hoggaanka dalal badan ayaa raadinaya Qorshaha labaad”

Wsiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa Wargeyska  Washington Post u sheegay ” “Haa….deynta uu Shiinuhu nagu leeyahay waa 71% GDP-ga Jabuuti, laakiin annagaa u baahan kaabayaashaas.”

War-bixintu waxay intaa sii raacisay in Somaliland oo ah dal yar oo aan haysan aqoonsi ay muujisay go’aan adag oo lid ku ah Qorshaha Shiinaha ee isku ballaadhinta, isagoo adeegsanaya bixinta deymo “Gobolkan yar ee leh Go’aanka qalafsan ee ku yaalla Afrika, wuxuu muujiyey inuu leeyahay Qiimo sare” ayay War-bixintu sheegtay, taasi oo intaa ku dartay in Somaliland iyo Taiwan oo aan haysan aqoonsi, ay haddana ilaaliyaan Dawladnimadooda, laakiin uu xidhiidhkooda Cambaareeyay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Shiinaha, kaasi oo ku andacooday in Taiwan meel kaga dhacayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office