Taiwan Oo U Dabaal Degtay Saaxiibtinimada Somaliland Oo Sanad Jirsaday

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Safaarada Taiwan ee Somaliland  ayaa  Magaalada Hargaysa ku qabatay  munaasibad ay ugu dabaal dagayso Xuska Sanad Guurada 1aad ee Kasoo Wareegtay Markii  ugu horeysay ee Dawlada Taiwan Xafiis Ka Furato Dalalka Geeska Afrika

Munaasibada ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxweyne Kuxigeenka JSL,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maayerka caasimada Hargeysa,Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka  iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan

waxaana munaasibadaa ugu horayn ka warbixiyey Safiirka Taiwan U Fadhiya Somaliland ALEN lU

Waxaanu ka Hadlay xidhiidhka saaxibtinimo ee udhaxeeya dalkiisa iyo Somaliland

“17 Ogoust 2020 Taiwan waxay xafiis  Wakiileed ka furatay  Hargeysa Somaliland taas oo astaan u ah Xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee labadeena Qaran”

Safiir Alan Lu oo hadalka sii wata ayaa waxa uu Yidhi

“Iskaashigeena waxa awooda lagu saaraya dhinacyada kala duwan ee horumarinta qaranka sida Caafimaadka ,Waxbarashada ,ICT Tamarta ,Ganacsiga”

Dhinaca kale waxaa ka hadlay  Gudoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare ,Maayerka Caasimada Iyo Wasiirka Cafimaadka Jsl  Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka

C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) Madaxweyne kuxigeenka JSL oo soo afmeeray Munaasibada ayaa dawlada Taiwan Uga mahadnaqay xidhiidhka saaxibtino ee ka dhexeeya Somaliland

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office