Xusuusta Waraysi Uu Bixiyey Diblumaasi Reer Somaliland Ah Oo Soomaaliya Sheeganayso

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Waxaynu dib u xasuusanaynaa Alle ha u naxariistee Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax oo ah diblumaasi reer Somaliland ah oo muddo dheer ka shaqaynayey Qaramada Midoobay.

Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax oo sanadkii 1965 illaa 1972-kii ahaa Safiirkii Dawladdii Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay isla-markaana muddo 18 sanadood ku dhow ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, hoggaaminayeyna Hawl-galkii Qaramada Midoobay sannadkii 1990-kii ku soo afjartay Midab-takoorkii lagu hayey Dadka madow ee dalka Koonfur Afrika, ayaa Geeriyooday Sannadkii 2018-kii, isagoo jira 98 sano.

Arabsiyo News waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa xidhiidhkii uu Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax la lahaa Somaliland iyo siduu u arkayey Dawladnimada Somaliland, ka dib markii ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay dalka Soomaaliya oo ay dhibaato xoog leh kala kulantay.

Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax oo intii aanu Geeriyoonin lagu Waraystay Dalka Maraykanka, ayaa muujiyey siduu ula socday Dawladnimada Somaliland ee sii kobcaysa, waxaanu yidhi isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey siduu ku heli jiray Warka Soomaliland “Somaliland waxaan tagay laba jeer, mar waxaan Madax ka ahaa Mashruuc ku saabsan dadka Laxaadkooda ku waayey Qaraxyada Miinooyinka, 2000 kuna mar baan u tagay Aaska Walaalkay Cabdillaahi Caabbi..”

Dhinaca siyaasadda, Ambassador Caabbi wuxuu sheegay inuu la socon karayey dhibaatooyinka ka jira Somaliland, horumarka ay gaadhay, maaddaama oo Somaliland tahay Qaran cusub, waxayna leedahay dhibaatooyin gudaha iyo dibedda ah ee la soo gudboonaada Dawladaha cusub “Somaliland waxay Soomaaliya la midowday sanadkii 1960-kii, Midowgaasi oo ahaa mid lagu deg-degay..” ayuu yidhi.

Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax oo la waydiiyey siduu isagu shaqsi ahaan u arkayey Midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ee lixdankii, ayuu ku jawaabay “Markii Waqooyigu (Somaliland) midow la galeen, ma ahayn mid farxad gelisay oo ay ku qanceen Midowga Koonfurta (Soomaaliya), Madaxdii xilligaasina waxay saluugsanaayeen doorkii ama xubnihii la siiyey.”

Alle ha u naxariistee, Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax waxa kale oo Waraysiga laga qaaday Geeridiisa ka hor uu ku sheegay in wixii ka dambeeyay 1991-kii oo Somaliland ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya uu arrimaha Somaliland kala socon jiray Warbaahinta, balse uu Mareegaha Internet-ka ee Wararka ka gudbaya Somaliland uu ku wareeray, isagoo xusay in Warbaahinta Internet-ka ee Somaliland Wararka soo gudbin jiray ay noqdeen kuwo ku sal yeeshay dano u gaar ah.

Caabbi wuxuu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxa xilligan la gudboon Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland waa inay qabsataa wax kasta oo ay iyadu qabsan karto oo aanay cid kale ku xidhnaanin. Waayo? nasiib-darro Somaliland taageero kama helin Caalamka intiisa kale. Waxaan u malaynayaa arrinka ugu weyn ee Somaliland ragaadiyey ee ay la socon kari la’dahay inuu yahay Qabiilka, Waayo? ma jirto Dawlad gacan siin karaysa Dadka ay masuulka ka tahay, taasina ayaana keenaysa in Qofku uu Qoyskiisa ku xidhnaado.”

Ambassador Cabdirixiin Caabbi Faarax oo ugu dambayn, la waydiiyey inay Somaliland iyo Soomaaliya u wada fadhiistaan Wada-hadallo nabadeed, ayaa ku jawaabay “Aragtidaydu waxa weeyaan inay dadkaasi noqdaan Dad jaar wanaagsan ah oo si wanaagsan u wada dhaqma..” ayuu yidhi.

Xusuusta Cabdirixiin Faarax Caabbi, ayaa waxa keenay ka dib markii Toddobaadkii hore Taxane lagu xuso Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Magaca ku leh boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan Gobolka Wales lagu soo qaatay Cabdirixiin Faarax Caabbi, waxayna sheegeen in Xuskaasi yahay in lagu wayneeyo doorkii uu ka qaatay  doorkii uu ka qaatay dedaalladii Qaramada Midoobay kula dagaalamaysay Midab-takoorkii ka jiray Dalka Koonfur Afrika oo uu isagu hoggaaminayey.

Cabdiraxiin Caabbi Faarax, ayaa Alle ha u naxariistee sannadkii 1919-kii ku dhashay deegaanka Barry ee gobolka Wales ee boqortooyada Ingiriiska, taasina ayaana keentay inay xus u sameeyaan Dadka ku nool Gobolka Wales, halkaasi oo ku soo barbaaray, waxna ku bartay, illaa uu noqday ku-xigeenka Xogjayaha guud ee qaramada Midoobay iyo Safiirkii Soomaaliya ee Qaramada Midoobay u fadhiyey intii u dhaxaysay 1965 illaa 1972-kii.

Alle ha u naxariistee, Abdulrahim Abby Farah waxaanu Magaalada New York ku dhintay sannadkii 2018, isagoo da’diisu tahay 98 jir.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office