Wasiirka Dhallinyarada iyo Dhaqanka Jabuuti oo Booqasho ku Timid Somaliland

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo dhaqanka Jabuuti Marwo Hibo Muumin ayaa booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inuu Wasiirka Dhallinyarada iyo dhaqanka ku soo dhaweynayo dalka, waxaanu tilmaamay inay Sharaf u tahay labada dal inay ka wada shaqeeyaan horumarinta dhaqanka iyo Afka oo ka dhexeeya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo dhaqanka Jabuuti Marwo Hibo Muumin ayaa u mahadcelisay Wasiirrada soo ku soo dhaweeyey Somaliland, waxaanay sheegtay in iyada iyo aqoonyahanno kala duwan oo reer Jabuuti ahi ay ka qaybgalayaan bandhiga  caalamiga ah ee carwada buugaagta Hargeysa oo Sabtida beri ka furmaysa Magaalada Hargeysa.

 Waxa kaloo ay sheegtay in madaxweynahooda ay uga mahadcelinayso inuu isku daray Wasaaradda Dhallinyarada iyo dhaqanka oo ay tilmaantay inay tahay laba isu baahan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi ayaa sheegay in labada xidigle Cabaas Maxamed Diiriye lagu dilay Deegaanka God-hiileey ee Dagmada Garadag ee Gobalka Sanaag.