Hargeysa(Arabsiyonews):-Mayarka cusub ee caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xilka kala wareegay mayarkii hore Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Xaflada xilwareejinta, oo ka socota taandho laga bineeyay duleedka galbeed ee Hargaysa, ayaa waxa kasoo qayb galay dadwayne tiro badan iyo masuuliyiin.

Mayarkii hore ee Hargaysa Cabdiraxman Soltelco, ayaa ka sheekeyay waxyabihi u qabsoomay intii uu xilka hayay.

Soltelco ayaa sheegay in uu wax ka qabtay caafimaadka, wadooyinka isla markaana uu dhisay ciidanka dab-demiska ee Hargaysa.

Wax qabadka ugu wayn ee mayar Soltelco lagu xasuusan doono ayaa ah ciidanka dab damiska Hargaysa oo uu dhisay.

Mayarka cusub ee Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in uu ka dhabayn doono arrimihi uu ku olloleeyay.

“Waxa xaqiiq ah in ollolihii dhamaday shaqadiina bilaabantay” ayuu yidhi.

“Markaanu ollolaha ku jirnay shacabka wax badan baanu u sheegnay sidi ayayna dhab noogatahay” ayuu hadalkisa ku daray.

Mooge ayaa sidookale sheegay in uu ilaalin doono cashuurta shacabka laga qaado, oo aan la musuq maasuqi doonin.

Shacabka Hargaysa oo aad u dhaliilsana golahi deegaanka ee hore ee Hargaysa, ayaa rajo badan ka qaba golaha iyo mayorka cusub.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office