Madaxweynaha JSl Oo Sagoontiyay Wefti Uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

0

Hargaysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sagootiyey wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida oo dalka u yimi ka qaybgalka munaasibaddii lagu furayey ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera.

War ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo soo gaadhay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalilnd Md Muuse Biixi, uu madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya uga mahadnaqay kasoo qaybgalkiisa munaasibadda furitaanka dekedda Berbera, waxana kulanka goob joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro katirsan dawlad-deegaanka Soomaalida iyo safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Hargeysa.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office