Hargeysa (Arabsiyonews) – Sida u uku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Ceerigaabo Cabdirisaaq Xaaji markii maxkamada gobolka ay dhaarisay 13 xubnood ee golaha degaanka ee magaalada Ceerigaabo loo doortay waxay yeesheen fadhigoodii u horeeyay, kaas oo ay ku soorteen maayarka iyo maayar ku xigeenka degmadaas maamuli doona shanta sanno ee soo socota.

Golaha degnaaka cusub ee degmada Ceerigaabo waxay maayar u doorteen Ismaaciil Xaaaji Nuur, oo ay noqonayso markii saddexaad ee uu maayar ka noqdo degmada Ceerigaabo, oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, halka ay maayar ku xiegeena u doorteen Cabdiraxmaan Gaadhi-jiid oo isna ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.









