Danjiraha Somaliland U Fadhiya Norwey Oo Sheegay Heerka Qadiyada Somaliland Ay Gaadhsiisay Doorashadii 31may

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Safiirka Dawladda Somaliland u fadhiya dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan (Liinan) ayaa ka hadlay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday 31-kii bishii hore ee May.

Safiirka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, ayaa sheegay in dunidu soo dhaweysay habkii ay doorashadu uga dhacday Somaliland, isla-markaana Somaliland qaadday Koobkii Doorashooyinka Afrika.

Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liinan) waxa kale oo uu sheegay Dawladaha Norway iyo Denmark oo Doorashada u soo dirtay Goob-joogeyaal ay Xafiiskiisa soo gaadhsiiyeen War-bixino ah in doorashadii Somaliland ahayd mid wanaagsan, taasi oo keenaysa in Bulshada Caalamku taageerto Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office