Daladda SONSAF oo ka warbixisay in ka badan Afar Boqol oo Cabashooyin la xidhiidha Doorashooyinka oo ka dhacay Gobollada dalka

0

Hargaysa(Arabsiyonews):-Dalladda ay ku Midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah Somaliland ee SONSAF, ayaa ka warbixiyey noocyada ay yihiin cabashooyin la xidhiidha doorashooyinka oo la soo gaadhsiiyey Xarunta La-socodka habsam-u-socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo shalay ku qaboontay dalka.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ay weheliyaan kor-joogayaasha Maxalliga ah ee doorashada, ayaa ka war-bixiyey qaabka ay ku soo dhammaatay doorashooyinka shalay looga dareeray dalka, waxaanu sheegay inay si nabad-gelyo ah ku qabsoontay doorashadu.

Balse waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay xaruntooda xog-qabadka Doorashada soo gaadheen 475 cabasho oo la xidhiidha doorashooyinka, kuwaas oo ka kala dhacay goobaha codbixinta degmo-doorashooyinka ka tirsan dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in cabashooyinkaas oo intooda ugu badan laga soo tabiyey degmo-doorashooyinka gobollada Togdheer iyo Maroodijeex ay ahaayeen qaar farsamo balse markii dambe la xalliyey.

“Iyada oo loo marayo SONSAF-ESR, wadar ahaan tiro dhan 475 dhacdo oo cabashooyin ah ayaa laga soo gaadhsiiyey 6-da gobol, iyada oo Maroodijeex uu haysto rikoodhka ugu sarreeya ee 329. Cabashooyinku waa kuwo la xidhiidha nidaamka, badankooduna waxa lagu xaliyay waqtigii loogu talagalay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Anwar.