Madaxweyne Biixi Ma Nacayb Shaqsi Ah Buu U Qabaa Farmaajo ?

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay in colaad Shaqsi ahi ka dhaxayso Madaxxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed cabdillaahi Farmaajo iyo in kale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo lagu waraystay Barnaamijka Qubanaha ee Idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta uu khudbad kasta oo uu jeediyo uu ugu soo daro hadallo uu eedaymo ugu jeedinayo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo ay horena Wada-hadallo u yeesheen

Madaxweyne Muuse Biixi cabdi oo la waydiiyey su’aal u dhignayd ‘Madaxw’eyne ma Nacayb shaqsi ah, ayaad u qabtaa Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya, mise wax kalaa jiraa”, ayaa ku jawaabay inaanu jirin wax nacayb shaqsi ah oo uu u qabo Madaxweynaha Soomaaliya isla-markaana xilligii Dawladdii Kacaanka uu yaqaanay farmaajo Aabbihii, balse hadda waxa keenay inuu khudbad kasta ku soo daraa ay tahay inuu difaacayo Qaraninimada Somaliland oo uu xusay inay diiddan tahay Dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office:-