Dowladda Mareykanka ayaa digniin ku siisay Ethiopia iyo Eritrea inay wajahayaan cuna qabateynmo kale oo uu Mareykanka ku soo rogo, cunaqabateyntaas oo ay ku jiraan- Magnitsky Act- oo ah sharci u ogolaanaya Madaxweynaha Mareykanka inuu dul dhigo cunaqabateyn dhaqaale iyo mid dhinaca safarada ah madaxda shisheeye oo ku lug yeesha xad gudub dhinaca xuquuqda aadanaha ah iyo musuqmaasuq.

Wariyaha VOAda Sindy Saine ayaa warbixintan inooga diyaarisay . waa kan Nuur Xassan Nuur oo inoo soo jeediya.