Oslo (Arabsiyonews) – Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), ayaa Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyay Ciidda Soonfur oo Khamiista berri ku beegan isla-markaana dunida Islaamka oo dhan laga Ciidayo.
Wakiilka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway oo uu ku yaallo Xafiiskiisu, ayaa sidoo kale Hambalyo iyo Salaan khusaya Ciidda u diray Ciidammada kala duwan ee Somaliland, isagoo ku amaanay doorka ay ugu jiraan Qarankooda Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee Norway, waxa kale oo uu si gaar ah uga hadlay Ahmiyadda ay Dalka u leeyihiin doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo Qorshaysan inay dalka ka dhacaan 31-ka bishan May.
Arabsiyonews.com Arabsiyonews20202@gmail.com Hargaysa Office








