Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Khasaarihii Ka Dhashay Roobabkii Ka Da’ay Hargeysa

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku duwidda Hawlaha Bani-aadamnimo ee Dunida ee OCHA, ayaa ka hadashay Khasaare ka dhashay Roobab dhawaan ka da’ay dalalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika.

Hay’addu waxay sheegtay in Daadad ka dhashay Roobab waaweyn oo ka da’ay Toddobadii Maalmood ee u dambeeyay dalka Soomaaliya ay sababeen Geerida 25 Qof, kuwaasi oo 14 ka mid ahi Carruur ahaayeen.

Daadadkaasi ayaa sidoo saameeyay Dad gaadhaya 25.000 kun oo Qof, kuwaasi oo ku nool Tuulooyinka degmada Jawhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ee dalka Soomaaliya, sida Hay’addu sheegtay.

Dhinaca kale, war-bixin ay soo saartay Hay’adda OCHA, ayaa waxay si gaar ah ugaga hadashay Khasaare ay sababeen Daadad ka dhashay Roobab waaweyn oo ka da’ay Somaliland labadii Toddobaad ee u dambeeyay.

OCHA waxay sheegtay in Daad weyn oo 30-kii bishii hore ee April ku soo rogmaday Dooxa weyn ee Hargeysa dhex maraa uu sababay khasaare laxaadle.

OCHA waxay War-bixinteeda ku faahfaahisay in Daadadkii waaweynaa ee soo maray Dooxa Hargeysa uu saamayn xun ku yeeshay illaa 40 Guri oo ku yaalla meelo aan ka fogayn dooxaasi, sidoo kalena uu qaaday Gaadiid ka badan 7.

Waxa kale oo Hay’adda Qaramada Midoobay War-bixinteeda ku sheegtay in Daadadka ay soo rogeen Roobabkii ka da’ay Somaliland ay Dalka gudihiisa ku barakiciyeen dad ku noolaa Guryo cooshado ah, laakiin Qaramada Midoobay ma sheegin tirada Dadkaa ku dhex barakacay Somaliland.

https://www.bignewsnetwork.com/news/269360122/un-says-heavy-rains-kill-at-least-25-over-past-week-in-somalia

Arabsiyonews.com

Arabsiyonews2020@gmail.com

Hargaysa Office