Nairobi (Arabsiyonews) – Dawladda Kenya, ayaa Khuburo dhinaca duulimaadyada ah u soo dirtay Somaliland, si ay kormeer ugu sameeyaan Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Weftiga ka socdey Kenya isla-markaana dalka u yimid inay kormeeraan si ay u hubiyaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa hawshoodu la xidhiidhaa heshiis 15-ka December, 2020 ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo ay ka mid ahayd in diyaaradda Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee Ganacsiga ee Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Safarka Weftiga Kenya ku yimaaddeen Hargeysa, ayaa sheegtay in Weftigaasi qayb ka yahay dardar-gelinta sidii loo fulin lahaa heshiisyadii labada dal wada gaasheen sannadkii hore ee 2020 “Muddadaa saddexda bilood ah waxa la sameeyay Horumar weyn, haddaynu soo qaadano dhinaca duulimaadyada, Maareeyaha Madaarrada Somaliland wuxuu tagay Kenya, wuxuu la kulmay dhiggiisa, si loo dardar-geliyo heshiiskii (dhinaca duulimaadyada ee Kenya iyo Somaliland)..” ayuu sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u warramay Telefiishanka SAHAN, waxaanu intaa ku daray in Kenya soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarrada Somaliland “Kenya waxay soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarka Hargeysa, waxayna ka bixiyeen War-bixin wanaagsan oo Heer sare ah, kuwaasi oo Hargeysa ka noqday, markaa heshiiskii dhinaca duulimaadyadu waa diyaar oo waalla dhamaystirayaa, haddii Allaah yidhaahdo..”
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Kenya, ayaa sheegtay inay Qunsul guud u soo Magacowday Somaliland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Madal uu khudbad ka jeediyey Ababu Namwamba oo ah Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya uu goob-joog ka ahaa Qunsul guud oo Kenya u soo Magacowday Xafiis ay doonayso inay furanto Hargeysa.
Qoraal lagu baahiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa lagu sheegay in “Mr. Ababu Namwamba uu khudbad ka jeediyey kulan lagu soo xidhayey Tababbar ku saabsanaa qaabka Xidhiidhka Caalamiga ah..” Halkaas oo uu ku sugnaa Qunsul guud oo Dawladda Kenya u soo Magacowday Qunsuliyad ay doonayso inay ka furato Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida lagu sheegay Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya.
Laakiin, Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibeddu baahisay laguma xusin Magaca Qunsulka Kenya sheegtay inay u soo Magacowday Somaliland.
Ugu dambayn, haddii Kenya si rasmiya Hargeysa uga furato Qunsuliyad, waxay ku biiri doontaa Dawladaha Jabuuti, Ingiriiska, Turkiga, Itoobiya, Taiwan iyo Imaaraadka Carabta oo Xafiisyo ku leh Somaliland.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








