Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Maal-Gashiga Dalka

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Fadhigii maanta ee golaha wakiillada oo uu shirgudoominaaya gudoomiyaha golaha wakiillada Somalilnd Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa fadhiga ku sugnaa 42 xildhibaan, xeerkaasna waxa ogolaaday 40 xildhibaan wax aka aamusay hal xildhibaan.

Sidaana waxa ku ansaxay xeerka maal-gashiga jamhuuriyadda, kaas oo ay kaabis iyo wax ka badal ay ku sameeyeen guddi hoosaadka dhaqalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ee golahaas.

Ugu dambayn guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in golahaasi shaqayn doonaan bisha Ramadaan.