Hargeysa(Arabsiyonews):- Xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani u magacabay guddomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto).
Xuuto oo markii hore u taagnaa musharax golaha wakiilada ah, ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku cuslaatay in uu hankiisa musharaxnimo sii wato madama oo muharixii ay isku sidkanaayeen uu ka tanaasulay musharaxnimadiisi.
“Madama oo reer walba laga rabay in ay keenaan laba musharax oo isku sidkan oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo wakiilada, musharixii aanu wada soconayna ka tanasulay musharax nimadisi waxa igu adkatay in aan sii wado” ayuu yidhi Xuuto.
“Kadibna waxanu xisbiga isku afgaranay in aan noqdo xoghayaha warfaafinta, halkaasi oo aan kasii wadi karo hankayga siyaasadeed” ayuu Xuuto hadalkiisa sii raaciyay.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








