Hargeysa (Arabsiyonews) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa doonaya inuu siyaasadeeyo colaad laba beelood dhex taalla, kuwaasi oo Toddobaadyadii u dambeeyay uu dagaal ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Labada Beelood oo ku muransan dhul ku yaalla deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa waan-waan ka dhex wada odayaal dhaqameed is xil-qaamay, kuwaasi oo ku dedaalaya inay soo afjaraan colaadda labada Beelood oo soo noqnoqotay.
Laakiin, Puntland ayaa sabab aan illaa hadda la fahmin Magaca Somaliland ugu soo dirtay Farriin ay u dirayeen Beelaha colaaddu dhex taallo ee deegaanka Shidan.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Daparaani oo la hadlay Warbaahinta Garoowe Online ee Afka Ingiriisiga wax ku baahisa, wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay Hurinayso colaadda deegaanka shidan.
Jaamac Daparaani ayaa hadalkiisa ku yidhi “Waxaan Somaliland Ugu Baaqeynaa in ayna hurin Colaadda u dhaxeysa labada Beelood ee Tuulada shidan ee Gobolka sanaag.”
Laakiin, hadalka Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa u muuqda mid siyaasadeed, kaasi Puntland ku doonayso inay colaadda deegaanka shidan ka dhigto mid Somaliland masuul ka tahay.
https://www.garoweonline.com/en/news/puntland/somalia-puntland-warns-of-conflict-along-somaliland-borderr
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









