Hargeysa (Arabaiyonews) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo IMF, ayaa soo bandhigtay Miisaaniyadda Dalalka Adduunka sanadkan bilowga ah ee 2021-ka.
Dalalka hay’addu ka war-bixisay Dhaqaalahooda isla-markaana Koboca sameeyay waxa ka mid ah Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti.
IMF, waxay sheegtay in dhaqaalaha dalalka Adduunka marka la isku daro uu ku fadhiyo 91.98 Trillion, laakiin Waddamada Quwadda weyn ee Adduunka qaarkood ayaa haysta boqolkiiba inta badan, halka Dalalka qaarkoodna aanay ma muuqan liiska shaxda lagu qiimeeyay dhaqaalaha Dalalka Adduunka.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxay sheegtay in Dhaqaalaha Adduunka uu Maraykanku haysto 24.13%, halka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinuhu uu haysto 16.82% dhaqaalaha dunida, Japan ayaa haysta 5.97%, Jarmalka oo kaalinta afraad fadhiya ayaa haysta 4.52%, Hindiya ayaa iyaduna haysata 3.54%, Ingriiska ayay Hay’addu sheegtay inuu haysto 3.18%, Faransiiska ayaa haysta 3.13%, Talyaaniga ayaa haysta 2.27%, Brazil ayaa la sheegay inay haysato 2.24%, halka Dawladda Kanada haysato 1.99% dhaqaalaha dunida.
Tobankaa Dal ee kor ku xusan waxay haystaan isku darkoodu dhaqaalaha dunida 67.81%, halka dunida inta soo hadhay oo dhami ay haystaan 32.19% dhaqaalaha dunida.
Somalilnd ayaa labadii Sanno ee u danbeeyey GDP-geedu uu kor u kacay, isagoo sannadkan gaadhay 2.5 Bilyan $, halka Koboca dhaqaalaha guud uu gaadhay $ 566.
Somaliland waxay ka dhaqaale badatay sannadkan wadamo badan, kuwaasi oo ka kooban 18 Waddan.
Halka Koboca Dhaqaalaha ee Dalka Soomaaliya uu Sannadkan gaadhay 4 Bilyan, halka Dhaqaalaha Sannadkii qofka soo galaa noqday $ 510 dollar.
Dalka Jabuuti, ayaa isna Dhaqaalihiisu uu gaadhay 2.4 Bilyan $ Halka dakhliga qofka ee Sannadkii soo gala uu gaadhay 2.593 $, sida ay sheegayso War-bixinta Hay’adda
Somaliland oo aan Ictiraaf haysan, ayaa ka dhaqaale badan 18 dal oo ay ku jiraan Jabuuti iyo Soomaaliya, halka Soomaaliya oo dunidu aqoonsan tahay Somaliland kaga horrayso dakhliga Dadka Caadiga ah soo gala, Tusaale ahaana sida War-bixintu sheegtay Qofka Somaliland ku nool waxa Sannadkii soo gala 566 dollar, halka Qofka Soomaaliya ku nool uu sannadkii soo galo 510 dollar.
Ugu dambayn, sida Hay’adda IMF sheegtay, Dalalka Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti waxa dhaqaalahoodu ku dhow yahay 9 bilyan oo dollar.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








