Hargeysa(Arabsiyonews):Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabirashiid Riyo-raac), ayaa sheegay in gobollada Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex si rasmi ah looga bilaabi doono hawsha kaadh-bixinta codbixiyeyaasha maalinta Arbacada ah oo ku beegan 31-ka bishan March si.
Guddoomiye Cabdirashiid-Riyo-raac oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay hawsha kaadh-bixinta codbixiyeyaashu ay muddo saddex cisho ka socon doonto saddexdaas gobol, iyadoo kaadhadhka laga qaadan doono dhammaan goobahii hore ee ay diiwan galintu ka dhacday.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka waxa uu shacabka ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codeynta, isla markaana ka faa’iideystaan muddada loo cayimay qaadashadooda, iyadoo la raacayo tilmaamaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee xakamaynta xanuunka Covid-19, sida Af-saabka, Kala fogaan shaha iyo ilaalinta faya-dhawrka.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








