Hargeysa(Arabsiyonews):-Xukuumada Somaliland ayaa amaro kasoo saartay qiimaha Shidaalka oo kor ukacay,Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa ka hadashay go,aamada laga soo saaray qiimaha sixirka Shidaalka ee qaaliyoobay.

Eng: Cabdiraxmaan Maxamed Muxumad, agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga ayaa sharaxay amarada ay kasoo saareen qiimaha shidaalka.
“Qolada soo dajisa waa in ayna dhaafin naaftada $106.15, halka batroolkuna uu noqonayo $111.92, waxana loogu talo galay in ay ka faa’iidan calaa foosto $2.5” ayuu yidhi agaasimuhu.“Waa in ay tafaariiqlayda foostada naaftada ah kaga iibiyaan $16.15, halka loo saray baatroolkana $3 oo ay kaga iibin doonaan $122.42”.“tafaariiqluhuna wuxuu litirka naaftada ah ku iibinayaa $0.62 oo u dhiganta 5200 oo shilin, halka uu ku iibinayo batroolkana $0.66 oo u dhiganta 5600 oo shilin” ayuu hadalkisa sii raaciyay agaasimuhu.
Agaasimaha ayaa sheegay in foostada naaftada ahi ay tafaariiqlayda kuso gaadhayso $124.65, halka foostada baatroolka ahina ay kusoo gaadhayo $132.42.Sidookale agaasimuhu wuxu sheegay in gobolada fog fog ee Sool iyo Sanaag ay $2 ku kordhayaan halka $1 ku kordhayo gobolka Awdal.
Saddexdan gobol ee aynu sare kusoo xusnay waxa qiimaha foostada kordhinaya madama oo ay dakadda ka fogyihiin, oo nooligu ka badanyahay gobolada kale.

Arabsiyonews.com

Hargeisa Office