Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland Liibaan Yousuf Cismaan ayaa maanta kulan saacado qaatay la qaatay safiirka cusub ee dawlada Imaaraatka carabtu u soo magacowday Somaliland Cabdalla Alnaqbi
Mudane Liban Yousuf Osman, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi, “Waxaan wadahadal miro dhal ah la yeeshay Wakiilka Imaaraadka u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Alnaqbi, kulanka hordhaca ah waxaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo xiriirka labada dhinac oo waxtar leh. labada Shacab ee walaalaha ah. Wasaarada Arimaha Dibada JSL waxay ku soo dhaweynaysaa Gacmo furan iyo wada shaqeyn Fiican xafiiska cusub ee wakiilka UAE ee Hargeysa. ”

Wasiir ku xigeenka ma uusan faah faahin qodobada ay ka wada hadleen Danjire Cabdalla Alnaqbi, laakiin wuxuu xusay in kulankan uu hordhac u yahay bilowga Iskaashi ee ku saabsan xiriirka labada dal.

Danjire Cabdalla Alnaqbi, Diblomaasi Sare ayaa ka socday dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaanu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, maalintii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 13/03/12021, waxaana lagu qaabilay Qasriga Madaxtooyada JSL , halkaas oo uu kaga guddoomay Madaxweyne Biixi waraaqihiisa aqoonsiga ee safiirka Cusub ee dawlada imaaradku usoo magacowday Dalka Somaliland

Dawlada Imaaraadku ayaa waxay ka sameysay maalgashigii ugu ballaadhnaa ee dekedda caalamiga ah ee Berbera, kaasoo ay ku baxday lacag ku dhow nus malyuun doolar, sidoo kale wuxuu ka hirgeliyey magaalooyin ka tirsan Somaliland mashaariic caafimaad iyo kuwo kale oo arrimaha bulshada ah. .

Arabsiyonews.com

Hargeisa Office