Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa si kulul ugu jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.
Wasiir Cabdilaahi Abokor wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ugu jawaabayey Xoghayahaas oo uu ku daabacay bartiisa Facebook, waxaanu u dhignaa sidan:
“Saaxiibkay Khadar Faji “Magac Bilaash uma baxo” Waxa marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiimee. Aqoontu maaha qoraal la soo akhriyo lagana akhriyo baraha bulshada ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaradaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo kartiba badan yahay, waligaana kama aad shaqayn xafiisyada bixiya adeega Dadweynaha.
“Macal Cunne soo Bixi Doonaa” Waxaan diyaar u ahay Dood- Furan oo caddaynteed leh, Waxaad keeni doontaa caddaymo ku filan difaacaaga” Labba Faras Fuulka………”
Ugu dambayn, waxaan saaxiibkay leeyahay saaxiibkaana keen goobta, Codkana soo noolee.”
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office