Hargeysa (Arabsiyonews) – Fadhigii maanta oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanada golahaasi dood iyo falayn qayn ka yeesheen xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021, iyadoo xildhibaanadii dooddaas ka qayb-qaatayna ay ka mid ahaayeen, xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan, Xil Jirde Siciid, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir iyo Xildhibaan Cabdicasiis Gaaxnuug, kuwaas oo ku dooday in xeerkaasi yahay mid qaranku u baahan yahay, waxaanay shirgudoonka u soo jeediyeen in guddi loo saaaro.

Ugu dambayn shirgudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa xeerka sahaminta shidaalka xeer lambar 95/2021 u ku wareejiyeen guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay kaabis iyo wax kabadal ugu soo sameeyaan, isla markaana ay dib ugu soo celiyaan golaaha.