Hargaysa(Arabsiyonews)-Inta la hubo 15 qof ayaa guddaha Somaliland ugu geeriyooday Cudurka COVID19, 11-kii maalmood ee u horreeyey bishan aynu ku jirno ee March, halka 367 qof oo kalena laga helay in ay qabaan cudurkan oo wakhtigan u muuqda mid ku fidiya guddaha Somaliland.
Sida ay muujinayso warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa lagu sheegay in tiradan ku dhimatay cudurkan 11 maalmood ee u dambeeyey, iyada oo tiradani ah inta la ogyahay ee u geeriyootay ee Wasaaraddu baadhitaan ku ogaatay, halka 367 kale yihiin dadka iyagu iska baadhay xannuunkan.
Tiradan laga helay Xannuunkan iyo tirada u dhimatay, ayaa muujinaysa halista iyo faafitaanka cudurkan ee bulshada dhexdeeda, taas oo loo aanaynayo in korodhkeeda ay ka qayb qaateen munaasibaddaha murrashaxiinta ee maalin walba la qabto, kuwaas oo boqolaal dadweynaha ahi isugu yimaadaan Huteellada.
Sidoo kale, waxa iyadu faafitaanka cudurka qayb ka ah qurbo joog badan oo dalka ku soo noqonaya iyo weliba dad ka soo noqonaya dalka Somalia oo uu wakhtigan faro baas uu ku hayo Cudurkan.
Bulshada Somaliland, ayaa looga baahan yahay in ay muujiyaan taxadir dheeraad ah, isla markaana ay qaataan tallooyinka caafimaadka ee loo jeedinayo.
Wargeyska Saxansaxo