Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan.

Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.

Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin.

“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yidhi.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office