Qaramada Midoobay ayaa Dawladda Ethiopia ugu baaqay in ay gobolka Tigray u ogolaato in ay galaan kormeerayaal ka socda Qaramada Midoobay si ay baadhitaan ugu sameeyaan Warbixinnada la xidhiidha dilalka sii socda iyo Tacadiya ka dhanka ah xuquuqda aadanaha kuwaas oo laga yaabo in ay noqdaan dambiyo dagaal oo layskula xisaabtamo sida ay sheegtay Michelle Bachelet oo ah madaxa xuquuqda aadanaha ee UN.
Waxa ay intaasi sii raacisay in dhibaatadan ay qayb-ka noqon karaan Ciidamada Ethiopia, kuwa Eriteria iyo dhinacyo kale.









