Hargeysa (AN)- Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay wax uga dhaceen qaybta Wiilashada ee Dugsiga Sare ee magaalada Hargeysa iyo khasaaraha la gaadhsiiyey dhismaha iyo Agabka dugsiga.
Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan Maamuleyaasha dugsiyada iyo Guddoomiyaha dalladda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Al-Fajri Cabdiraxmaan Ismaaciil, ayaa gelinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadlay, waxaanu si faahfaahsan oga warramay qaabka ay maanta wax uga dhaceen Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilashada oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Mahad Ibraahim waxa uu ayaan-darro saamaynteedu bulshadu wada-gaadhayso ku tilmaamay waxyeellada iyo burburka ardaydu u geysatay dugsiga, waxaanu sheegay in baadhitaan lagu samayn doono dhacdadan iyo cid kasta oo ka dambaysay ama ku lahayd.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








