Laascanood (AN):-Wafti uu hoogaminayo Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani iyo hoggaamo katirsan taliska guud ee ciidanka qaranka jsl ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.
Waftiga uu hoggaaminayo wasiirka Gashaandhiga ayaa warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore lasacanood.
Intaasi ka dib waftiga ayaa bilaabay kormeerka fadhiisamada ciidanka Qaranka ee ku sugan lasacanood oo ka mid ah kormeeradii ay ugu kuur gali jireen xaalada Ciidanka Qaranka jsl.
Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolada barriga Somaliland iyagoo gaadhi doona jiida ugu horeysa ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha Kale ee Gobolada Barriga Somaliland.
Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka jsl
Arabsiyonews.com
Laascanood Office









