Dawlada itoobiya ee Addis Ababa ayaa jawaab adag ka bixisay war-saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, kaasoo uu ku sheegay tacadiyo ciidamada Amxaarada iyo kuwa kale ee Itoobiya ka gaytaan gobolka Tigrey.
Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka gungaaridda tacaddiyada laga soo sheegayo gobolka Tigray, iyadoo sidoo kale-na wax laga xumaado ku tilmaantay faragalinta qaawan ee uu Maraykanku ku hayo arimaha gudaha ee Itoobiya.
“Isku-dayga uu Maraykanka uga hadlayo arimaha gudaha ee Itoobiya, gaar ahaan xooggaga gobolka Amxaarada ee lagu sheegay war saxaafadeedka ayaa ah wax laga xumaado,” ayay sheegtay xukuumadda Abiy Axmed, iyadoo intaa raacisay in Itoobiya ay xaq u leedahay goobta ay geyneyso ciidamadeeda si loo xaqiijiyo sharciga iyo kala dambeynta gudaha dalkeeda.
Hay’ado ay kamid yihiin kuwa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in bilihii dambe ay kordheen wararka sheegaya in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.
Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.
Arabsiyonews.com









